2019 Views

Hay’adaha u xilsaaran Dib-u-eegista Dastuurka oo Banbax-howleed u jooga Nairobi

____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | May 28. 2018 –  Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee XFS, Gudigga La-socodka Dib-u-eegista Dastuurka ee Baarlamaanka iyo Gudigga Madaxabanaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka ayaa Banbax-howleed socon doona maalmo uga bilowday magaalada Nairobi.

Saddexda hay’ad oo yeelanaya kulan wadajir ah ayaa ka arrinsan doona xoojinta wadashaqeynta iyo sidii loo dar-dargelin lahaa Ololaha Dib-u-eegista Dastuurka.

Xubnaha Wasaaradda uga qaybgalaya kulankaas ayaa waxaa kamid ah Agaasimaha Guud iyo qaar kamid ah La-taliyayaasha Wasaaradda, halka Xildhibaano kamid ah Gudigga Baarlamaanka iyo xubno kamid ah Gudigga Madaxabanaan ay iyagana kulanka ka qaybgalayaan.

Ugu dambayn, Banbax-howleedkan ayaa muujinaya wada-shaqeynta dhow ee ka dhaxeysa saddexda hay’adood waxeyna yididiilo weyn gelineysa dadka Soomaaliyeed ee indhaha ku haya Geedi-socodka Dib-u-eegista Dastuurka.

conf-affais-4 conf-affais-3 conf-affais-2 conf-affais-1

.

.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho 

________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment