1140 Views

Muranka Badda ee Somaliya iyo Kenya oo lagu daray ajendaha golaha amaanka ee QM

Muranka Badda ee Somaliya iyo Kenya oo lagu daray ajendaha golaha amaanka ee QM
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | June 19,, 2019  –Golaha amaanka ee Qaramada Midoobey ayaa ajendaha ay ka doodayaan ku darsaday doodda dhinaca Badda ah ee Kenya kala dhaxeysa Dowladda Soomaaliya.

Dowladda Kenya ayaa markan dadaal xoog leh ku bixisay in kiiskan la geeyo golaha amaanka ee Qaramada Midoobey iyada oo ku doodday in haddii muranka badda loo xukumo dhinaca Soomaaliya ay taasi saameyn taban ku yeelan doonto dalal badan oo ku yaalla Bariga iyo koofurta Afrikaba.

Wasiirka Arrimaha dibadda Kenya Monica Juma ayaa sheegtay in dowladdeeda ay ku qanacsan tahay faragelinta qaramada Midoobey si looga hortago qatar dhinaca amaanka ah oo uu wajo gobolka Afrikada bari iyo midka koofureed.

Waxaa ay sheegtay Monica in haddii ICJ ay Soomaaliya u xukunto biyaha hadda ay kenya doodda gelineyso in ay is qabsan doonaan Kenya iyo Tanzania, Tanzania iyo Mozambique, Mozambique iyo Koofur Afrika.

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey António Guterres, ayaa si aan rasmi ahayn kulanka Golaha amaanka ee Qaramada Midoobey ku soo hadal qaaday muran badeedka Kenya iyo Soomaaliya,waxaana goluhu ku darsadeen ajendayaasha ay ka doodayaan.

Dowladda Kenya ayaa dhinaca kale sheegtay in Magaalada Nairobi ay taallo warqad ay saxiixday Wasaaradda arrimaha dibadda Kenya, gaar ahaanna wasiir Monica taas oo lagu doonayo in wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad uu kula kulmi lahaa Wasiirka arrimaha dibadda Kenya.

Warqaddaas ayey  Kenya saxiixday Bishii April ee la soo dhaafay waxaana Dowladda Kenya ay sheegtay in ilaa hadda aysan xukuumadda Muqdisho jawaab ka bixin warqaddaas dhinaca Kenya ku baaqeysa kulanka labada Wasiir arrima dibadeed si muranka badda loogu dhameeyo xal labada dal ay gooni u gaaraan.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment