570 Views

Dad gaajo iyo harraad ugu geeriyoodey degmada Ceel Waaq

____________________________________________________________________________

Xaalad abaar oo ka jirta degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo iyo deegaanada ku hareereysan ayaa saameeyey dadka iyo duunyada kunool, iyada oo dad farabadan oo xoolaley ah ay a barakaceen.

Illaa iyo shan qof, ayaa lagu soo warramayaa iney halkaasi gaajo iyo harraad ugu dhinteen, sida ay xaqiijiyeen Ms’uuliyiin katirsan Maamulka degmada Ceelwaaq.

“Xoolaha ayaan heysan baad iyo biyo ay cabbaan, waxeyna ku nool yihiin cunto dadku gacanta ka siiyaan, halka maciishaddana ay cirka isku shareertay ayuu yiri” mid kamid ah dadka kunool Ceelwaaq oo ay abaartu saameeysay.

Guddoomiyaha degmada Ceelwaaq ee Maamulka Jubbaland Ibraahim Guuleed Aadan ayaa tilmaamey in xaaladda haatan taagan ay tahay mid faraha ka baxdey una baahan in wax laga qabto.

Sidoo kale wuxuu sheegay in saameynta abaaraha aysan ku ekeyn deegaan oo kaliya, iyadoo ay ku baaheen deegaano Soomaaliyeed oo aad u fara badan, isla markaana xilligaan aysan jirin maamul iyo dowlad ay gurmad ka heleen.

Degmada Ceelwaaq ayaa ah degmada kaliya uu Maamulka Jubbaland maamulo ee katirsan Gobolka Gedo, waxaana dadka kunool saameysay abaarta kajirta inta badan Gobolada dalka Soomaaliya.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post