657 Views

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi oo soo saaray Liiska Xubnaha cusub ee Guddiga Doorashada

Madaxweynaha Somaliland  Muuse Biixi oo soo saaray Liiska Xubnaha cusub ee Guddiga Doorashada
____________________________________________________________________________


Sabti: June 11, 2022

Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa soo magacaabay Xubnaha Guddiga Doorashada, isaga oo u gudbiyay Golaha Wakiilada oo leh ansixintooda.

Xubnaha Guddiga Doorashada oo ka kooban toddoba ruux, iyaga oo ka kala socda Xukumadda, Xisbiyada Mucaaradka ee UCID, Wadani iyo Golaha Guurtida ayaa waxaa ay badalayaan Guddigii hore ee Doorashada ee dhammaantood is-casilay.

Somaliland waxaa ka taagan muran la xiriira Doorashada oo u dhaxeeya Xukumadda Muuse Biixi iyo Xisbiyada Mucaaridka.

Hoos ka akhriso Wareegtada

Ujeeddo: Soo-gudbinta zubnaha Komishanka doorashooyinka ee Cusub

Sida aad la socoto, waxa is-wada casilay xubnihii Komishanka Doorashooyinka. Sidaas darteed, waxa aan halkan ku soo gudbinayaa toddobada xubnood ee loo soo xulay in ay noqdaan Komishanka doorashooyinka cusub, si waafaqsan Qodobka 15aad, Faqraddiisa 4aad ee Xeerka guud ee doorashooyinka iyo Diiwaan-gelinta Cod-bixiyayaasha, Xeer Lr. 91/2020, xubnahaasi oo buuxiyey shuruudaha xubinnimada Komishanka doorashooyinka ee ku qeexan Qodobka 14aad ee Xeer Lr. 91/2020.
Sida ku cad Qodobka 13aad, Faqraddiisa 2aad ee Xeerka guud ee doorashooyinka iyo Diiwaan-gelinta Cod-bixiyayaasha, Xeer Lr. 91/2020, waxa soo xulaya Xubnaha Komishanka doorashooyinka Madaxweynaha Somaliland (3 Xubnood), Golaha Guurtida (2 Xubnood), Axsaabta Siyaasadda ee diiwaan-gashan – Xisbiga WADDANI iyo Xisbiga UCID (2 Xubnood).

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post