1554 Views

Duqeyn Diyaaradeed Oo Ka Dhacday Gobolka Hiiraan

Duqeyn Diyaaradeed Oo Ka Dhacday Gobolka Hiiraan
____________________________________________________________________________

Mogdishu | QOL | Febaraayo 25, 2019 –Wararka aan ka heleyno Gobolka Hiiraan ayaa waxa ay sheegayaan in xalay saqdii dhexe diyaarado dagaal ay duqeyn ka fuliyeen deegaan ka tirsan Gobolkaasi.

Duqeynta ayaa waxaa la sheegay in ay ka dhacday deegaan lagu magacaabo Orod oo ku yaalla inta u dhexeeysa degmada Maxaas iyo Baladweyne,waxaana deegaanka ku sugan dagaalamayaasha Al-shabaab oo Saldhigyo ku leh sida la sheegay.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in xalay ay maqlayeen jug culus oo ku dhaceysa goobo Al-shabaab ay leeyihiin,sidoo kalena ay arkayeen qiiq iyo uuro hawada isku shareertay.

Sidoo kale dadka deegaanka ayaa sheegay in ay soo wajahday Cabsi xoogan,kadib markii diyaarado dagaal oo joog hoos ku socda ay ku soo dhawaadeen deegaanka Orod oo ku yaalla inta u dhexeeysa Magaalada Baladweyne iyo degmada maxaas ee Gobolka Hiiraan.

Warar aan heleyno ayaa tilmaamaya in Khasaaro uu ka dhashay duqeyntaasi,balse aan si dhab ah loo xaqiijin karin,Maadaama deegaanka uu yahay dhul howd ah iyo Buuraley oo dadka ay ku yaryihiin.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogdishu 

_____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment