543 Views

Ruushka oo sheegay in kun ka tirsan ciidamada Badda Ukraine ay isa soo dhiibeen

Ruushka oo sheegay in kun ka tirsan ciidamada Badda Ukraine ay isa soo dhiibeen
____________________________________________________________________________

Ruushka ayaa sheegay in in ka badan kun askari oo ka tirsan ciidamada badda ee Ukraine ay iska soo dhiibeen dekedda la go’doomiyay ee Mariupol.

Suxufifiyiinta wakaaladda wararka ee Reuters ayaa arkay holac ka kacay warshado waaweyn oo birta ama xadiidda lagu sameeyo halkaas oo ciidamada baddu ay difaac kaga jireen.

Telefishinka Ruushka ayaa soo bandhigay sawirro uu ku sheegay in ay ahaayeen ciimada badda Ukraine iyo shaqaalaha warshadaha xadiida iyo nuxaasta oo isa soo dhiibay.

Hase ahaatee mid ka mid ah latiluyeyaasha sar sare ee madaxweyne Zelensky, ayaa sheegay in magaaladu ay wali gacantooda ku jirto.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post