1083 Views

RW Rooble & Madaxweyne Qoor-Qoor oo maanta lagu wado in ay tagaan Baydhabo

RW Rooble & Madaxweyne Qoor-Qoor oo maanta lagu wado in ay tagaan Baydhabo
____________________________________________________________________________

 


Sabti: December 18, 2021

 Ra’iisul Wasaaraha XFS Maxamed Xuseen Rooble & Madaxweynaha DG Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qoor ayaa maanta la filayaa in ay tagaan Magaalada Baydhabo oo ah xarunta KMG ah ee Koofur Galbeed.

Ilo ku dhaw safarka Rooble & Qoor-Qoor ayaa Mustaqbal u sheegay in Baydhabo lagu qabanayo Shir looga hadlayo Arrimaha Doorashooyinka Dalka si Ra’iisul Wasaaraha iyo Madaxda Dowlad-Goboleedyadu isaga xog-wareystaan wax ka qabashada cabashooyinka taagan.

Madaxweynaha DG Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayay wararku sheegayaan in uu qudhiisa tagayo Magaalada Baydhabo xarunta kMG ah ee DG Koofur Galbeed balse waqti rasmi ah oo ku beegan socdaalkiisa lama shaacin.

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa la filayaa in uu iclaamiyo shirkaan looga hadlayo Doorashada iyada oo goobta lagu qabanayo ay tahay Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed Soomaaliya.

19ka December 2021 waxa ay ku beegan tahay saddex sano guurada kasoo wareegtay maalintii la doortay Madaxweynaha Koofur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, waxa ay wararku sheegayaan in munaasabad uu ku qabsanayo Baydhabo.

Waxaa dardar ku socda shirarka looga hadlayo arrimaha Doorashooyinka maadaama daah uu galay qabsoomidda & muran hareeyay hab maamulka Doorashada, si loo xaliyo waxa uu Wasiirka koowaad bilaabay kulamo wadatashi ah.

Golaha Wadatashiga Qaranka & Midowga Musharixiinta ayaa muuqaalka Fogaan-aragga waxa ay xalay uga arrinsadeen xal u helista doodda ka dhalatay doorashada kuraasta Golaha Shacabka ee ka dhacday Baydhabo & Dhuusamareeb.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post