723 Views

Maxay ka wada hadleen RW Rooble & Ergayga gaarka ah ee Afrika u qaabilsan Shiinaha?

Maxay ka wada hadleen RW Rooble & Ergayga gaarka ah ee Afrika u qaabilsan Shiinaha?
____________________________________________________________________________

Ra’iisul Wasaaraha Xuluumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Ergayga gaarka ah ee Dowladda China u qaabilsan Geeska Afrika Xue Bing.

labada dhinac ayaa waxaa ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka labada dal iyo kaalinta Dowladda China ee gurmadka abaaraha ka jira dalka.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa Ergayga uga mahad celiyay taageerada ay dowladda Shiinaha siido dowladda Soomaaliya, isaga oo ugu baaqay inay kordhiyaan.

Dowladda Shiinaha ayaa waxaa ay kamid tahay dowladaha taageera Soomaaliya, waxaana sidoo kale ay ka caawisaa arrimo dhowr ah oo ay u baahan yihiin Shacabka Soomaaliyeed.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post