1380 Views

Gudoomiyaha Golaha Shacabka Oo wali Go’doon ku jira

Gudoomiyaha Golaha Shacabka  Oo wali Go’doon ku jira
____________________________________________________________________________

Mogadishu | QOL | December 16, 2018 –Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa warbaahinta u sheegay in uu wali uu ku jiro go’doon,islamarkaana wali loo diidan yahay Xildhibaanada in ay soo booqdaan Gurigiisa.

Gudoomiyaha ayaa sheegay in wali xildhibaanada loo diidan yahay in ay kasoo gudbaan Kontoroolada laga soo galo Hoteelka Shabeel oo dhawaan uu degay markii uu ka guuray xarunta Madaxtooyadda Soomaaliya.

Waxaa uu sheegay in xukuumadda Soomaaliya laga rabo in ay ilaaliso Sharciga iyo kala dambeynta, Maadaama uu sheegay in xukuumadda Caburin ku heyso.

Xukuumadda Soomaaliya ayuu ku eedeeyay in ay baalmartay Sharciga iyo kala dambeynta.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa dhawaan ka guuray xarunta Madaxtooyadda Soomaaliya, ka dib markii uu sheegay in xildhibaanada Mooshinka ka keenay Madaxweyne Farmaajo loo diiday in ay soo galaan xarunta Madaxtooyadda.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment