1797 Views

Guddoomiyaha golaha shacabka oo kulan la qaatay guddiga difaaca

Guddoomiyaha golaha shacabka oo kulan la qaatay guddiga difaaca
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | July 23, 2018 – Guddoomiyaha golaha shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa maanta kulan la qaatay guddiga difaaca ee golaha shacabka.

Kulanka ayaa waxaa loogu hadlay dardar gelinta sharciga xaqsiinta ciidamada qalabka sida, furitaanka wadada leego ee gobolka Sh/Hoose iyo qodobo kale.

Sidoo kale kulanka waxaa loogu hadlay dhameystirka sharciyada ay diyaarinaya guddiga iyo barnaamijyada aqoon kororsiga ah oo ay guddiga u aadayaan dibadda.

Xubnaha guddiga ayaa guddoomiyaha ugu warbixiyay shaqooyinkii ugu dambeeyay oo ay qabteen iyo qorshaha guddiga ee bilaha soo socda.

Guddoomiyaha golaha shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa guddiga difaaca kaga mahad celiyay howlaha wanaagsan oo ay wadaan.

Guddoomiyaha ayaa sheegay iney muhiim tahay in si wadajir ah loogu wada shaqeeyo furista wadooyinka gobolka Sh/hoose gaar ahaan wadada leego.

“Runtii shaqo wanaagsan ayaa qabateen waana idiin kaga mahad celinaya warbixinta tifaftiran ee aad isoo gudbiseen, waa muhiim in si deg deg ah loogu shaqeeyo sharciga xaqsiinta ciidamada iyo inan joogteyno kulamada aan yeelaneyno ”. ayuu yiri guddoomiyaha golaha shacabka.

Ugu dambeyn guddoomiyaha golaha shacabka Mudane Maxamed Mursal iyo guddiga difaaca ayaa isku raacay in la bilaabo, lana xoojiyo kulamada aqoon kororsiga ah si shaqooyinka guddiga loo hormariyo.

gud-golaha-shacabka-3 gud-golaha-shacabka-2 gud-golaha-shacabka-1

.

W/Q:-Bashiir Barre ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment