1710 Views

Ciidamo isku hor fadhiya xarunta taliska ciidanka NISA ee gobalka Banaadir ee Godka Jilacow

Ciidamo isku hor fadhiya xarunta taliska ciidanka NISA ee gobalka Banaadir ee  Godka Jilacow
____________________________________________________________________________

Talaado: September 14, 2021

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Ciidamo la sheegay in ay isku hor fadhiyaanh xarunta taliska ciidanka NISA ee gobalka Banaadir, gaar ahaan  Godka Jilacow

Ciidamadan isku hor fadhiyo halkaas  ee ah  hay’adda NISA ayaa kuwa loo yaqaan Duufaan, waxayna wataan gaadiidka loo yaqaano Beebaha, ayada oo la sheegay in qorshahoodu yahay inay qabsadaan xarunta, oo ay haystaan ciidan taageera ra’iisul wasaare Rooble.

Sidoo kale Ciidanka Duufaan ayaa ah kan kaliya ee ka tirsan NISA ee taabacsan Farmaajo, waxayna u badan yihiin maleeshiyo ku beel ah, iyo xubno horey uga tirsanaa Al-Shabaab, balse dowladda isu soo dhiibay.

Sidoo kale maanta ayey dib ugu soo laabteen ciidanka Duufaan waxaana Aagga Taalada Daljirka Dahson ka jira xiisad culus iyo dhaq dhaqaaqyo ciidan, oo u dhaxeysa ayaga iyo ciidan kale oo ka tirsan NISA.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post