237 Views

Xildhibaano katirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo ka qeyb galaya Shirka Baarlamaannada Adduunka

Xildhibaano katirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo ka qeyb galaya Shirka Baarlamaannada Adduunka
____________________________________________________________________________

Talaado: OCTOBER 11, 2022

Shirka Baarlamaannada Adduunka ayaa maanta lagu wadaa inuu ka furmo Magaalada Kigali ee caasimadda Dalka Rwanda waxaana diiradda lagu saari doonaa Xaaladaha ka taagan dalalka Soomaaliya, Ciraaq, Yemen, Suuriya, Falastiin iyo Pakistan.

Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka qeyb galaya Shirkan oo ah kii 145-aad ee Baarlamaannada Adduunka “International Parlaimentary Union”.

Guudn ahaan Xildhibaannada ka socda Baarlamaannada dalalka shirka ka qeb galaya ayaa warbixinno ka gudbin doona dhibaatooyinka ka jira waddamadooda iyo dedaallada loogu gurmanayo.

Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka JFS ayaa la kulmay Xildhibaanno dalalkooda ay ku mideysan yihiin Ururrada Jaamacadda Carabta iyo dalalka Islaamka si loo xoojiyo fursadaha ay wadaagi karaan.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post