639 Views

Ra’iisul Wasaaraha Britain oo ubax dhigay meeshii lagu dilay Sir David Ammess

____________________________________________________________________________

Sabti: October 16, 2021

Ra’iisul Wasaaraha Britain Boris Johnson iyo hogaamiyayaal kale ayaa waxa ay xirmooyin ubax ah dhigeen hoolka Kaniisaddii lagu dilay xildhibaan David Ammess, oo ka tirsanaa xisbiga Conservative-ka, kaas oo Jimcihii toori nafta loogaga jaray.

Hogaamiyaha xisbiga Labour-ka ee mucaaradka ah, Keir Starmer, iyo Xoghayaha arrimaha gudaha Priti Patel ayaa sidoo kale tacsidooda ku gudbiyay goobta uu dilka ka dhacay ee bariga London.

25 jir laga shakisan yahay oo loo malaynayo inuu Soomaaliya ka soo jeedo ayaa xabsiga loo taxaabay.

Booliska UK ayaa fal argagixiso ah ku tilmaamay dilka loo geystay Sir David Amess kaas oo dhowr jeer lagu dhuftay toorrida xilli uu Jimcadii ku sugnaa deegaanka Leigh-on-Sea oo ka tirsan gobolka Essex, oo ah halka laga soo doortay.

BBC

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post