3243 Views

Madaxda Maamul Goboleedyada oo la wareegay awooddii Aqalka Sare

Madaxda Maamul Goboleedyada oo la wareegay awooddii Aqalka Sare
____________________________________________________________________________

Muqdisho  | QOL |  12 Oktoobar, 2017 – Madaxda shanta Maamul goboleed oo maalintii shalay shir ugu soo gaba gaboobay magaalada Kismaayo ayaa la wareegay awooddii Aqalka sare oo u taagneyd matalaada danaha dowlad goboleedyada ee ka midka ah dowladda Federaalka.

Dhismaha Golaha Iskaashiga dowlad goboleedyada ee ay ku mideysan yihiin Madaxda maamul goboleedyada ayaa waxaa uu mar kale su’aal ka keenayaa awooda Aqalka sare oo ka mid ah Hey’addaha Dastuuriga ah ee Federaalka.

Sidoo kale dhismaha Golahan waxaa uu howl gab ka dhigayaa Aqalka sare oo loo sameeyay inuu ilaaliyo danaha dowlad goboleedyada ahna Hey’ad Dastuuri ah

Madaxda dowlad goboleedyada ayaa xilligan ku heysta dowladda Federaalka qodobo ka mid ah Dastuurka oo muhiima gaar ay u leedahay dowladda Federaalka, waxaana ay aheyd in Aqalka sare ay arrintan uga dambeeyaan maadaama ay ku matalaan Federaalka.

Madashii Wadatashiga Qaran ee dowladdii hore ayaa la xusuustaa sida ay awooda iyo talada ugala wareegaan Baarlamaanka Federaalka, iyadoo dhismaha Golahan ay u muuqato tallaabadaas oo kale.

bbbbbbbbbbbbbbbbbbbbbbbbbbbbb

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment