831 Views

Turkiga oo xiray 11 qof oo lagu tuhmayo in ay yihiin jaajuusiin

Turkiga oo xiray 11 qof oo lagu tuhmayo in ay yihiin jaajuusiin
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | December 15, 2020 –Turkey ayaa xirtay 11 qof oo lagu tuhmayo inay jaajuuseen islamarkaana afduubteen siyaasi mucaarad Iranian ah oo ay dooneysay Tehran, waxaa sidaas Isniintii sheegay booliska Turkiga.

Wakiilo ka tirsan hay’adda sirdoonka Turkiga ee MIT ayaa xiray 11-ka qof oo Turkish ah kadib markii magaalada Istanbul lagu waayey siyaasi mucaarad reer Iran ah oo lagu magacaabo Habib Chaab, sida ay booliska sheegeen.

Habib Chaab oo dibad-joog ahaan ugu noolaa Sweden ayaa boqoday Turkiga bishii October.

Warbaahinta Iran ayaa bishii November weriyey in Habib lasoo xiray, hase yeeshee ma aysan bixin wax faahfaahin ah oo ku saabsan sida uu ugu dhammaaday xabsi Iran.

Tehran ayaa ku eedeysay Chaab inuu ku lug leeyahay koox gooni u goosato Carab ah oo dalkaas ka jirta oo lagu magacaabo ASMLA.

Booliska Turkiga ayaa sheegay in dadka la tuhunsan yahay ay Chaab ka qabteen magaalada Istanbul kadibna ay baabuur Van ah uga gudbiyeen xadka Iran, kahor inta aysan ku wareejin saraakiisha Iran.


Xafiiska Wararka Qaranimo Online |

______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post