738 Views

Cumar Cabdirashiid oo sheegay in dalku marayo meeshii ugu xumeyd kuna Eedeeyay Farmaajo

Cumar Cabdirashiid oo sheegay in dalku marayo meeshii ugu xumeyd kuna Eedeeyay Farmaajo
____________________________________________________________________________

Muqdisho, 1da Maarso, 2021:Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Sanoter Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake ayaa ka hadlay xaalada siyaasadeed ee dalka & khilafka doorashada, isaga oo  Madaxda dowladda ku eedeeyay inay ku fashilmeen doorasho ka dhacda dalka.

Cumar Cabdirashiid oo la hadlay Voa-da waxaa  uu ku eedeeyay dowladda waqti xileedkeeda uu  dhammaaday wax qabad la’aan iyo in dalka aay ku ridday Ceel dheer sida uu hadalka u dhigay.

Waxaa uu hadalkiisa uu intaasi ku daray in Farmaajo uu dalka giliyay marxalad siyaasadeed oo dalka lagu arag tan iyo wixii ka dambeeyey markii dowlad niimada Soomaalia lagu soo dhisay Magaalada Carta ee dalka Jabuuti.

“ Markii aan xukunka wareejinay waxaana ka tagnay dal dadkiisu wada shaqeynayaan oo isku yimid, waxaan ku wareejinay dowladdii naga danbeysa dal amnigiisu hadda meesha uu joogo ka fiican, waxaa la rabay in maanta dadku intii isaga sii dhawyihiin, laakiin waxaa ay la yimaadeen dhaqan ah hala kala adkaado,ayuu yiri” Cumar Cabdirashiid.

Madaxda dowladda ee waqtigooda dhammaaday ayaa dhowr jeer oo hore lagu eedeeyay siyaasad xumo, caburin iyo in ay dalka gaarsiin waayeen inay ka dhacdo doorasho loo dhan yahay.


Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post