399 Views

Yaa ku guuleystay kursiga HOP 086?

Yaa ku guuleystay kursiga HOP 086?
____________________________________________________________________________

Gudiga  kmg ah  ee doorashoouinka Madaxa Doorashada kuraasta ka banaan Golaha shcabaka ayaa maanta qabtay doorashada Kursiga Sumadiis ay tahay  086 .

Doorasha kursigan 086   oo Maanta lagu qabtay Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ku tartamayay labada musharrax  oo agu kala Magacaabo Cabdirisaaq Bukhaari Axmed iyo Dr. Maxamed Sheikh Axmed Maxamed.

98 Ergo ayaa xaadirtay Codaynta  kursiga , Doorashada markii ay bilaabatay Waxaa tanaasulay Cabdirisaaq Bukhaari Axmed, sidaasna waxaa gacantaag loogu codeeyay Maxamed Sheikh Axmed Maxamed 98 oo ay Haa ugu codeeyeen dhammaan Ergadii ka qayb gashay doorashada  Cid diiday ama ka aamusay ma jirin .

Gudiga  doorashooyinka ayaa sheegay  in Dr Maxamed Sheikh Axmed Maxamed uu helay 98 cod oo kamid ah tirada ergada ee kooramka fadhiday, kuna noqday Guulaystaha Kursiga tirsigiisu yahay GSH # 086 waxana  Xusid mudan in kurisiaan uu hore ugu Fadhiyay Taliyihii hore ee hay’adda  NISA Fahad yaasiin Xaaj Daahir.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post