420 Views

Nin soo saaray naqshada Hudheel hawada sare laga sameyn karo kaasi oo ku shaqeynaya tamarta nukliyeerka

Nin soo saaray naqshada Hudheel hawada sare laga sameyn karo kaasi oo ku shaqeynaya tamarta nukliyeerka
____________________________________________________________________________

Talaado: June 28, 2022



Hudheel weyn oo ku shaqeeya tamarta nukliyeerka ‘flying hotel’, oo ay dhammaan u dhameystiranyihiin waxyaabaha uu qofka u baahan karo sida goob jimicsi iyo barkad lagu dabaasho ayaa lagu wadaa inuu qaado 5,000 oo rakaab ah, isagoona awood u lahaan in uu hawada kujiro inkabadan sanad.

Diyaaradan qaaabka hudheel ahaanta ah u sameysan – ayna ku rakiban yihiin ilaa 20 matoor oo ku shaqeeya tamarta nukliyeerka – ayaa loogu talagalay inaysan waligeed soo degin.

Hashem Alghaili, oo ah ninka abuuray naqshada diyaaradan cajiibka ah ayaa sheegay in Hudheelka hawada ee ku shaqeeya nukliyeerka “uu noqon karo gaadiidka mustaqbalka “.

Fiidiyow laga sameeyay diyaaradan sida ay u ekaan doonto ee aadka loo faahfaahiyay,ayaa mujinaya in diyaaradan ay lahan doonto maqaayado, suuq ganacsi oo aad u weyn, goob jimicsi, tiyaatar iyo xitaa barkadda dabaasha oo ay dadka isticmaali karaan dhammaantod iyagoo hawada sare jooga.

Ilaaa hadda majirto cid ama shirkada ku dhawaaqday inay maal gilin doonto fikradan ah “Hudheelka duula”.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post