2346 Views

Somaliland oo shegtay in ay kordheen tiradda dadkii ku dhintay Duufaanta

Somaliland oo shegtay in ay kordheen tiradda dadkii ku dhintay Duufaanta
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | May 22, 2018 – Tirada dadka ku dhibatay roob dabeylo xoogan watay oo maalmahaan ka da’ayay deegaanada Somaliland ayaa korortay sida laga soo wariyay gobolada waqooyi.

Soomaaliland ayaa horay u shaacisay in roobkii dabeylaha watay ee halkaasi Ka da’ay ay ku dhinteen 25 ruux, Xoolo badan ayna ku burbureen hantibadan.

Hayeeshee wararkii ugu dambeyay ayaa sheegaya in dhamashadu ay gaartay 31 qof, sidoo kalana ay korortay dhimashada xoolaha iyo burburka hantida.

31kaas ruux ayaa 18 ka mid ah waxaa ay ku geeriyoodeen deegaanka Gargara ee Soomaaliland.

Sidoo kale saraakisha Caafimadka Soomaaliland oo shaaciyay in uu socda gurmad la gaarsiinayo dadka ku nool deeganada ay ugu daran ee dadku duufaanada iyo daadadka ay ku dilayaan ee Soomaaliland.

Wxaa sidoo kala jira dad kabadan 30 ruux oo daadadku ay la tageen oo la la`ayahay raq iyo ruuxdoodu.

.

W/Q:-Bashiir Barre ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment