882 Views

Midowga Musharraxiinta oo xalay kulan gaar ah ku yeeshay Muqdisho

Midowga Musharraxiinta oo  xalay kulan gaar ah ku yeeshay  Muqdisho
____________________________________________________________________________

June 2 2021

Waxaa magaalada MUqdisho xalay ka dhacay kulan gaar ah oo ay yeesheen Golaha Midowga Musharraxiinta, waxaana la sheegay in ay uga hadleen hadleen xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan marxaladda kala guurka iyo doorashooyinka 2021-ka.

Kulankan ayaa waxaa shir guddoomiyey Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ah guddoomiyaha golahaasi, waxaana goob jog ka ahaa inta badan musharixiinta sida ay saxaafada u sheegeen goob joogayaal goobta joogay.

kulanka ayaa ahaa mid is xog-wareysi, sida uu shaaciyey madaxweyne hore, Sheekh Shariif Sheekh oo qoraal kooban soo saaray, kadib shirkaasi.

“Waxaan iska xog wareysannay marxaladihii ugu dambeeyey ee xaaladda dalka iyo doorashooyinka la filayo dhawaan inay bilaabmaan.” ayuu yiri Sheekh Shariif.

Sidoo kale Siyaasiyiinta mucaaradka ee ku mideysan golaha la magac-baxay Midowga Musharraxiinta ayaa maalmihii lasoo dhaafay kulamo siyaasadeed ka waday magaalada Muqdisho.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post