711 Views

Midowga Musharixiinta oo hadlay Ergeyga cusub ee Midowga Afrika

Midowga Musharixiinta oo hadlay Ergeyga cusub ee Midowga Afrika
____________________________________________________________________________

Xubnaha Midowga Musharixiinta Madaxweynaha ayaa waxaa ay soo dhaweeyeen ergeyga gaar ah ee Midowga Africa ay u soo magacaabeen Soomaaliya, kaas oo lagu Magacaabo John Dramani Mahama, isla markaana ah Madaxweynihii hore ee dalka Ghana.

Qoraal ka soo baxay Midowga Musharixiinta ayaa waxaa lagu sheegay in ay uga mahad celinayaan Midowga Afrika dadaalada ay wadaan ee ah dhismaha nabadeed ee ka socda guud ahaan dalka, kaas oo Midowga Afrika uu taageerayo.

”Waxaan uga mahadcelineynaa Midowga Afrika taageerada joogtada ah ee ay siiyaan dadka Soomaaliyeed, gaar ahaana dadaallada dhismaha nabadeed ee ka socda guud ahaan dalka. Waxaan ku rajo weynahay in ergayga cusub uu si dhakhso leh oo dhab ah ula macaamili doono dhammaan daneeyayaasha arrimaha siyaasadda ee Soomaaliya, waxaan ka rajo qabnaa inuu ka shaqeeyo kala guur habsami leh iyo dhaqan galinta heshiiskii 17-kii Sebtember  ayaa lagu yiri” qoraalka Midowga Musharixiinta.

Sidoo kale Midowga Musharixiinta ayaa waxaa ay sheegeen inay si buuxda ula shaqeyn doonaa ergeyga iyo kooxdiisa, iyaga oo codsaday in daneeyayaasha kale si lamid ah ula Shaqeeyaan , sidoo kalena ay ku ganacsan yihiin magacaabista Mr. Babatunde.

Qoraalka Midowga Musharixiinta oo ku qoran luuqa English-ka ayaa waxaa eedeyn loogu jeediyay La-taliyaha sare ee siyaasada kooxda dhexdhexaadinta Midowga Afrika, waxaana Midowga Afrika ay ka dalbadeen in ay dib u eegis ku sameeyaan mas’uulkan.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post