1077 Views

Hogaamiyaha cusub ee Jarmalka oo xilka kala Wareegay hogaamiyihii hore ee Dalka Jarmalka Angela Merkel.

Hogaamiyaha cusub ee Jarmalka oo  xilka kala Wareegay hogaamiyihii hore ee Dalka Jarmalka  Angela Merkel.
____________________________________________________________________________

Arbaco: December 8, 2021

Hogaamiyaha cusub ee Jarmalka Olaf Scholz, ayaa xilka loo dhaariyay maanta, isagoo beddelaya hogaamiyihii hore ee Angela Merkel. Waa hogaamiyihii afaraad ee uu Jarmalka yeesho muddo ku siman ku dhawaad afartan sannadood.

63-jirkan soo noqday wasiirka maaliyadda xilligii Mrs Merkel, ayaa hoggaamin doona isbahaysiga saddexda xisbi oo ay wehliyaan xisbiyada Greens iyo Free Democrats.

Dawladdiisu, ayaa ballan qaadday inay wax ka qaban doonto cudurka adduunka faraha ba’an ku haya ee coronavirus. Waxa ay sidoo kale hiigsanaysaa in la dhimo qiiqa kaarboonka.

Madaxda caalamka ayaa hambalyo kala duwan u diray hogaamiyaha cusub. Farriin diirran ayuu madaxweynaha Faransiiska, Emmanuel Macron, ku sheegay in labadooduba ay tallaabada xigta si wadajir ah ugu wajihi doonaan dalalkooda iyo midowga Yurub.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post