1002 Views

Sheekh Shariif”Aniga Cabsi weyn ayaa igu jirta”

Sheekh Shariif”Aniga Cabsi weyn ayaa igu jirta”
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | November 08, 2019–Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa dowladda Federaalka ku dhaliilay qaabka loo marayo qorista Ciidamo ku biiraya Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya.

 

Sheekh Shariif oo hadal ka jeediyey Shirkii Madasha Xisbiyada Qaran ayaa sheegay in uu arki jiray Ciidamo Goob rigo ah laga soo qoro,isla markaana la soo kala xulo,base ay haatan u muuqato kuwo xilli habeen ah la qoraayo oo la qarinaayo.

 

 

 

“Waayeel maalin ayuu cabsadaa ayaa la yiri  Carruurna habeen Aniga Cabsi weeynaa igu jirto Ciidan nabadsugida ah oo habeen la qoraayo oo laba dowladood loo diraayo aniga ma fahmin,ciidanka rigo ayaa laga qori jiray ee muxuu yahay ciidanka nabadsugida qoreyso oo taliyeyaasha laga qarinaayo ma waxaa la rabaa inay amni sugaan ayuu yiri” Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

 

Waxaa uu sheegay in Ciidan uu leeyahay qoristiisa waddo sax ah oo loo maro,hayeeshee aysan aqbaleyn in la qorto Ciidamo gaar ah oo la doonayo in dadka lagu dhibaateeyo sida uu hadalka u dhigay.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment