927 Views

Kulankii Ololaha & eed sheegashada ee MW Farmaajo la yeeshay Warbaahinta

Kulankii Ololaha & eed sheegashada ee MW Farmaajo la yeeshay Warbaahinta
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL| May 12 2021Waa 3, May,21waa maalinta caalamiga ah ee madaxbannaanida Saxaafadda, Iyada oo ay hareero socdaan Agaasime Kuxigeenka Madaxtooyada, Agaasimiisa Warfaafinta & Sabdow oo kamid ah la taliyeyaashiisa ayuu madaxweynaha talada ka degayaa soo galay  Hool yar oo loogu talagalay in uu kadhaco kulanka madaxweynaha iyo madaxda Warbaahinta.

hadal kooban oo ay jeediyeen agaasimeyaasha & madaxdii saxaafadda ee kaqaybgalay Shirka kaddib madaxweynaha ayaa qabsaday hadal dheer, tiro badan oo isku dhexyaacsan! Cabasho iyo calool xumo badan ayuu ka sheegtay

Waxa uu si adag oo caro kujirto uga hadlay Qoraalkii Wargeyska New York Times ee ciwaankiisu ahaa (The Bureaucrat from Buffalo Who Pushed Somalia to the Brink) waxa uu sheegay in dhammaan macluumaadka iyo ilaha loo adeegsaday Warbixinta NYT ay tahay waxba kamajiraan iyo mala-awaal aan sal iyo sugnaan lahayn, waxa uu muujiyey dareen iyo xannuun ay warbixintaas u geysatay, sababta uu isaga celiyey Baasaborka Mareykanka 2019 ayuu ka hadlay isaga oo sheegay in ay isu qaban weysay labada dhaarood ee uu mid u dhaartay in uu daacad u yahay dowladda, dadka iyo dalka Mareykanka midna uu u dhaartay in uu adeege u yahay dowladda iyo dalka Soomaaliya, sidaas awgeedna ay la noqotay in uu ka tanaasulo dhaarta iyo dhalashadiisa labadaa ee Mareykanka.

Inkasta oo ay ahayd in uu ka faa’iideysto xaqiisa Jawaabcelinta eedaha  (Right of Reply) kuna soo boxo isla NYT haddana waxa uu doorbiday in uu dadka Maamula Warbaahinta ee kulanka joogay u sheego in Maqaalka NYT yahay baan-abuur laga faafiyey.

Waaxda adeegga dabagalka canshuuraha (Internal Revenue Service audit) ee Mareykanka oo warbixintu sheegtay in xilliga uu MW Farmaajo iska celinayo Baasaboorka Mareykan ay baaritaan ku haysay dhaqaalihiisa ayuu iyadana u dul istaagay si aan u fahmay in uu isku deyey in uu Suxufiyiinta iyo madaxda Warbaahinta ugu dhiibo farriin ku wajahan Dadka ku xiran xarumahooda, waxa uu sheegay in aysan jirin sabab loo baaro oo dowladdu jarato canshuurtaba kahor inta aan lacagba isaga u soo dhicin, isaga oo qoslaya ayuu yiri“Waxa aan dhihi karaa waa New York Times oo idinka oo kale noqotay

Mahmaah uu hadalkiisa kudaray Xasan Cali Geeseey Agaasimaha Warbaahinta Dalsan ayaa MW Farmaajo soo qaatay isaga oo ka leexiyey ujeeddadii Xasan u adeegsaday “Meyd midkee u dambeeyey ayaa la isweydiiyey kaddibna kan la siisido ayaa la yiri! Hadda Arrinta Mustaqbal Media ayaa ugu dambeysa dhibaatada iyo tacadiyada kadhanka Warbaahinta” sidaas waxaa yiri Xasan Geeseey, hayeeshee MW Farmaajo ayaa dhinaca kale u rogay isaga oo yiri: “Meyd midkee u dambeeyey, waa halays dadka Banaadir adeegsadaan hadda waxa u dambeeyey Universal oo tagtay gurigii aan ku dhashay iyaga oo aan ii sheegin kaddibna waxa ay soo duubeen meel xun oo Qashin ka buuxo! Haddii ay ii sheegi lahaayeen waxa aan dhihi lahaa iska hagaajiya guriga

Doorashooyinka iyo dadaalka uu geliyey ayuu sharraxaad ka sameeyey! Waxaase yaab noqotay in uu ka warramo sheekadii dhexmartay isaga iyo Félix Antoine Tshisekedi madaxweynaha Congo-Kinshasa,

“Kinshasa waxa aan u tegey in aan gado oo midowga Afrika ku qanciyo taageeridda doorasho qof iyo cod ah oo kadhacda Soomaaliya hayeeshee Félix Tshisekedi madaxweynaha Congo daleena aragti xun ayuu ka haystaa-waxa uu yiri: Waxa aan maqalnaa in dalkaagu kalaqaybsan yahay, Shabaab qaar haysto, qalalaase siyaasadeed ka taagan yahay adiguna aad Villa Somalia dhex joogto inta kalana ay tahay Nidaam la’aan (Lawless) in Waddanka laga aamino aragtidaas adinka ayaa  mas’uul ka ah, Warbaahintiina qaarkeed waxa ay ka shaqeysaa wax u kaalmeynaya Alshabaab”!

Ciidanka iyo kalaqaybsanaantiisa, Qalalaasihii dhacay 25-April-21 Qaxa iyo cabsida taagan ayuu dul istaagay, waxa uu ku raftay Meesha uu ka taagan yahay iyo sida kaddib markii wax kasta socon waayeen uu u wareejiyey Maamulka iyo Amniga doorashooyinka ayuu ka hadlay, waxa uuna ku soo dhammeeyey in ciidanka loo cudur-daaro.

Markii uu dhammeeyey ayuu sheegay in uu ku soo talagalay in Su’aalo adag la weydiiyo, hayeeshee eedihiisii badnaa iyo dhibaatooyinkii uu sheegtay ayaa Jawiga kulnka calwiyey oo geliyey xaalad kale,  sidaas awgeed cidina iskuma deyin in ay Su’aal weydiiso.

Waa maxay ujeeddada Kulamada

Aragtideyda iyo Qiimeynteyda gaarka ah madaxweyne Farmaajo waxa uu niyad-jab iyo Walbahaar ka qaaday Natiijada dadaalkiisii badnaa ee dib u soo noqoshada oo ku dhammaaday meel aan xitaa taageeraayaashiisu ku farxin sidaas daraadeed madaxweynuhu waxa uu go’aansaday in uu si fudud oo aan dhaqaale u baahnayn u sii billaabo ololihiisa sidaas oo kalana helo wax isku mashquuliyo

WQ: Avv: Axmed C. Guutaale

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post