1725 Views

Sawirro:-Guddoomiyaha Golaha Shacabka Oo Gaaray Magalada Baydhabo

Sawirro:-Guddoomiyaha Golaha Shacabka Oo Gaaray Magalada Baydhabo
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | January 15, 2019 – Magalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay waxaa Galabta gaaray Wafdi uu hoggaaminayo guddoomiyaha Golaha Shacbaka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan,iyada oo siweyn halkaasi loogu soo dhaweeyay.

Wafdiga ayaa waxaa ka mid ah guddoomiye ku xigeenka 1aad ee Golaha Shacabka Cabduweli Ibraahim Muudeey,wasiiru Dowlaha Xafiiska Ra”iisul Wasaaraha Cabdullaahi Xaamud ,Wasiirka Cadaaladda Soomaaliya Abuukaate Xasan Xuseen Xaaji iyo Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka.

Garoonka Diyaaradaha Magalada Baydhabo waxa wefdiga kusoo dhaweeyay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdi Casiis Xasan Maxamed(lafgareen) Guddoomiyaha Baarlamaanka,Wasiiru dowlaha Madaxtooyada iyo Xildhibaano ka tirsan Koonfur Galbeed.

Wafdiga Guddoomiyaha Golaha Shacbaka ayaa waxa ay Baydhabo uga qeybgeli doonaan Munaasabada Caleemo saarka Madaxweynaha koonfur Galbeed oo Maalinta berito ah dhaceysa,waxana Baydhabo sidoo kale gaaray Madaxweyne ku xigeenka Puntland iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulkaas.

Hoos Ka Daawo Sawirrada soo dhaweynta.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment