456 Views

Turkiga oo sheegay in laga yaabo in uu iibiyo 7 kun oo tan oo galleey ah oo saarnayd Markab laga leeyahay Ruushka

Turkiga oo  sheegay in laga yaabo in uu iibiyo 7 kun oo tan oo galleey ah oo saarnayd Markab laga leeyahay Ruushka
____________________________________________________________________________

Talaado: July 5, 2022

Turkiga ayaa sheegay in laga yaabo in uu iibiyo 7 kun oo tan oo galleey ah oo saarnayd Markab laga leeyahay Ruushka oo dhammaadkii toddobaadkii hore uu Turkigu qabtay.

Markabka ayaa ka soo shiraacday deked ku taal dalka Ukraine oo haatan ku jirta gacanta Ruushka, waxaana Ruushka lagu eedeeyey in uu hanti ka xaday dhulka Ukraine ee uu qabsaday.

Eedeymaha xatooyada ayaa waxaa si joogta ah u beeniyey Ruushka, balse waxa uu carrabka u ku dhuftay “Dhoofinta” galleyda, wuxuuna ku andacooday in Bariga Dhexe uu suuq uga helay.

La-taliyaha madaxweynaha Turkiga ayaa BBC-da u sheegay in haddii baaritaannadu ay caddeeyaan in galleydaas la soo xaday, uu Turkigu gelin doono suuqa caalamiga ah isagoo wakiil ka ah Ukraine.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post