855 Views

Madaxweynihii hore ee Mareykanka Barack Obama oo sheegay in laga helay cudurka Safmareenka ah ee COVID-19

Madaxweynihii hore ee Mareykanka Barack Obama oo sheegay in laga helay cudurka Safmareenka ah ee COVID-19
____________________________________________________________________________


Isniin: March 14, 2022

Madaxweynihii hore ee Mareykanka Barack Obama ayaa  sheegay in laga helay cudurka Safmareenka ah ee COVID-19, sida uu ku shaaciyay Twitter-kiisa.

Sidoo kale waxaa baaritaan la xiriira cudurka lagu sameeyay Xaaskiisa Michelle Obama, balse waxaa uu sheegay in laga waayay cudurka baaritaan kadib. 

Obama ayaa yiri “Waxaa maray baaritaanka xanuunka COVID, kaddib maalmo kooban oo aan wax ka dareemay cunaha, laakiin sida kale waan fiicanahay, Aniga iyo Michelle waa nala tallaalay, iyada lagama helin xanuunka balse anniga ayaa la iga helay COVID-ka. Waan idin xusuusinayaa in aad qaadataan talaalka looga hortago Cudurka”.

Madaxweynihii hore ee dalka Mareykanka Barack  Xusen Obama ayaa haatan ku sugan dalka Mareykanka gaar ahaan magaalada Washington halkaas uu dhawaan tagay.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post