948 Views

Shir Madaxeedka IGAD oo furmay & Farmaajo oo ka qeyb-galaya

Shir Madaxeedka IGAD oo furmay & Farmaajo oo ka qeyb-galaya
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Nofeembar 29- 2019 Shirweynaha 13aad ee Madaxda Urur Goboleedka IGAD,kaas oo ay ka qeyb-galayaan Madax badan oo Afrikan ah.

 

Shirweynahaan oo socon doona mudo hal maalin ah ayaa waxaa Soomaaliya uga qeyb-galaya Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo,waxaana ay ka hadlayaan dib u habeynta Sharciga IGAD,doorashada Guddoomiyaha Cusub ee Ururka iyo xaalada Guud Badda Cas iyo Geeska Afrika

 

 

 

Sidoo kale, hoggaamiyeyaasha IGAD waxa ay iska xog-wareysanayaan qorsheyaasha lagu guuleystay ee ku aaddan dadaallada lagu xasilinayo waddamada Gobolka, iyaga oo warbixinno ka dhageysanaya Guddi Madaxeedyada u xilsaaran fulinta heshiisyadii hore iyo caqabadaha haatan jira.

 

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa la filayaa in uu khudbad  ka jeediyo Shirkaas,isaga oo diiradda ku saari doono aragti siyaasadeed oo wanaagsan iyo warbixino ku saabsan xaalada Soomaaliya.

 

Inta shirka lagu guda jiro, Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kulan-doceedyo la qaadan doona Madaxda dalalka Gobolka ee ka qeyb galaya shirka.

 

 

Xafiiska WArarka Qaranimo Online | Muqdisho
____________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment