3240 Views

Abaanduulaha Gaashaandhigga Talyaaniga oo booqasho ku yimid Muqdisho

____________________________________________________________________________

gashandhig-6

Muqdisho, 23 December 2015:  Maj. Gen. Claudio Graziono oo ah Abaanduliyaha CiidamadaTalyaaniga, ayaa maanta booqasho hal cisho ah ku yimid magaalada Muqdisho, isagoo kulamo la qaatay Ra’iisul Wasaaraha, Kuxigeenkiisa, Wasiirka Gaashaandhiga iyo Taliyeyaasha Ciidamada.

Kulankan ayaa looga hadlay iskaashiga labada dal, dib u dhiska Ciidamada xoogga dalka, iyadoo Talyaaniga uu hogaaminayo howl galka Tababarka Ciidamada Soomaaliya ee Midowga Yurub, kaasoo sanadkii la soo dhaafay loo soo raray Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ka filaneyso Talyaaniga kaalin balaaran oo wax ku ool u ah dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane C/qaadir Sheekh Cali Diini, oo kulan albaabadu u xiran yihiin la qaatay Wafdiga ayaa xusay in booqashadani ay sii xoojin doonto taageerada dawladda Talyaanigu ay siiso Ciidamadda Xoogga dalka Soomaaliyeed. Kulankani ayaa waxaa sidoo kale looga hadlay xiriirka laba geesoodka , kobcinta iskaashiga labada dal u dhaxeeya , taageeridda Ciidamadda Xoogga dalka, la dagaalanka argagaxisada iyo qodobo kale.

“Maanta waxaa nagu soo booqday magaalada Muqdisho Abbandulaha Guud ee Ciidamadda Gaashaandhigga Talyaaniga Sareeye Guud Claudio Graziano oo booqasho hal cisho ah noogu yimid. Waxaa dalka Talyaaniga nagala dhexeeya iskaashi iyo xiriir qoto dheer. Waxaan uga mahad celinayaa sida wanaagsan oo ay mar walba noogu garab taagan yihiin dadaalka aan ugu jirno xasilinta iyo nabadeeynta Soomaliya. Waxaan sidoo kale uga mahad celinaynaa sida wanaagsan oo ay uga qeyb qaateen dhismaha ciidanka Xoogga dalka. Waxaa lagama maarmaan ah in mar walba uu hadafkeenu ahaado inaan sii xoojinno xiriirka labada dal maadaama aan nahay labo dal oo saaxiib ah oo aan kala maarmin” ayuu yiri Wasiir Diini.

Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed S/Guuto Maxamed Aaden Axmed, ayaa sheegay in dhowrkii bilood ee la soo dhaafay guulo laga gaaray dhismaha ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed, iyadoo hadda deegaano badan oo horey kooxaha nabada diidan ugu sugnaayeen ay ka xoreeyeen dibna loogu soo celiyeen noloshii, taas oo ka dhigan in Ciidamaddu ay u heelan yihiin difaaca dalkooda, loona baahan yahay in la siiyo taageero dhamaystiran. Wuxuna mahadcelin u jeediyey dawladda Talyaaniga taageerada ay siiyaan ciidanka Xoogga dalka.

Abandulaha Guud ee Ciidamadda Gaashaandhigga Talyaaniga Sareeye Guud Claudio Graziano ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay in uu soo booqdo Muqdisho, wuxuuna sheegay in imaashiyihiisa ay ka dambeesay kadib iskaashi ballaaran oo dhex marey labada dawladood gaar ahaan Wasaaradaha Difaaca ee Talyaaniga iyo Soomaaliya.

gashandhig-7gashandhig-4gashandhig-5

—————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment