984 Views

Mareykanka oo ka hadlay dadka ku waxyeeloobay fatahaadaha

Mareykanka oo ka hadlay dadka ku waxyeeloobay fatahaadaha
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL |  Oktoobar 29, 2019 —War kasoo baxay safaarada Mareykanka ee Muqdisho  ayaa waxaa looga hadlay fahaatadaha Wabiga Shabeelle uu ka geystay Magaalada Baladweyne iyo daadadka kusoo rogmaday Magaalada Bardaale iyo khasaaraha ka dhashay.

 

Qoraal kasoo baxay Safaarada Mareykanka ee Muqdisho ayaa lagu sheegay inay la socdaan fatahaada Wabiga ee ka jira Baladweyne iyo daadka kusoo rogmaday Bardaale, iyada oo loo tacsiyadeeyey dadkii ku dhintay fatahaada Wabiga ee Magaalada Baladweyne.

 

“Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya  waxaa ay la socotaa xaaladda daadadka qaybo ka mid ah dalka oo ay ku jiraan Beledweyne iyo Bardale, waxaana u tacsiyadeyneynaa dadka ku dhintay fatahaadaha iyo daadka  ayaa lagu yiri” Warka kasoo baxay safaarada Mareykanka ee Muqdisho.

 

Sidoo kale safaarada Mareykanka ee Muqdisho   ayaa sheegtay in Mareykanka uu diyaar u yahay Markaan inuu taageero u fidiyo dadka ku waxyeeloobay fatahaada,isla markaana uu kordhiyo  dadaalada samafalka ee Somalia.

 

Wabiga Shabeelle ayaa waxaa fatahaad xoog leh uu ka sameeyey xaafado ka tirsan Magaalada Baladweyne iyo deegaano ka tirsan Shabeellaha Dhexe,waxaana fatahaadaha ka dhashay khasaaro dhimasho ah.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment