279 Views

Saciid Januune “Haddii isla xisaabtan yimaado waxaa yaraanaya ku-takri falka awoodda & musuqmaasuqa”

Saciid Januune “Haddii isla xisaabtan yimaado waxaa yaraanaya ku-takri falka awoodda & musuqmaasuqa”
____________________________________________________________________________

Talaado, 3 Janaayo [QARANIMO ONLINE] Saciid Januune oo ka mid ah aqoonyahanada Soomaalida, ayaa isaga oo Muqdisho ku sugan wuxuu sheegay in ay jiraann dhaliilo aan indhaha laga qarsan karin & ku-takrifal awooda Dowliga ah, isaga oo ugu baaqay MD Xassan Sheekh & RW Xamza Cabdi Barre in ay ka dhabbeeyaan mas’uuliyada ay ALLE hortiis ku qaadeen, lana xisaabataam Hay’adda Dowliga ah.


Saciid oo ah arday wax ka barta Jaamacadda Accord faraceeda Muqdisho, wuxuu ku nuuxnuuxsaday in Maamulka Gobolka Banaadir ku fashilmay wax ka qabashada adeegyada aasaasiga ah ee ay bulshada u baahan tahay.

“Bulshadu indhaha ha kala furaan. Haddii isla xisaabtan yimaado waxaa yaraanaya ku-takri falka awoodda & musuqmaasuqa. Maadaama dadka ku dhaqan Gobolka Banaadir ay bixiyaan canshuur waxay xaq u leeyihiin in ay helaan adeegyada muhiimka ah, xittaa haddii Gobolku aanu wada bixin karin adeegyadaasi, ugu yaraan waa inuu dusha u ritaa mas’uuliyada billicda & nadaafada Magaalada” Ayuu yiri Saciid Januune, oo ka mid ah ardayda Jaamacadda Accord, isaga oo warbaahinta kula hadlayay xarunta Jaamacadda.


Saciid, waxaa kale oo uu ku nuuxnuuxsaday in Soomaaliya aysan weligeed helin hogaamiye daacad ah, taas beddelkeeda ay nasiib u yeelatay in mas’uul kasta oo xilalka sarsare qabta inuu isu arko in Dowladnimadu tahay wax uu milkiyadeeda leeyahay, halka ay waajib tahay inuu isu arko inuu yahay shaqaale ummadda u khidmeeynaya, haddii uu ku xadgudbo dastuurka dalkana albaabka laga bixin karo.

“MD Xassan Sheekh xilalka ugu badan dadka uu siiyay wuxuu ku soo xulay in ay isku xisbi yihiin & in ay Farmaajo la rideen, waxaad la tacajabeysaa marka aad aragto dad ay ku adag tahay in ay magacooda oo saddexan qoraan oo wasiirro ah, waana gef loo geystay Dowladnimada” Ayuu yiri Siciid Januune, wuxuuna intaasi ku daray in warbaahinta qeybaheeda kala duwan looga baahan yahay in ay abaabulaan fagaarayaal kor loogu qaadayo wacyiga bulshada, laguna falanqeynayo gefafka muuqda.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post