351 Views

Dawladda Ingiriiska oo laga joojiyay dad uu geyn rabay Rwanda

Dawladda Ingiriiska oo laga joojiyay dad uu geyn rabay Rwanda
____________________________________________________________________________

Khamiis: June 16, 2022

Dawladda ingiriiska ayaa sheegtay in ay si taxadar leh u eegeyso eedeymaha xukun maxkamadeed oo lagu hakiyay duulimaadka kooxdii ugu horeysay ee magangalyo doon ah oo dawladda Ingiriisku gayn lahayd Rwanda habeenkii talaadada.

Diyaaradda oo la filayay in ay qaaddo ilaa iyo 7 ruux oo magan-galyo doon ahaa ayaa soo degtay kadib markii go’aan ay soo saartay maxakamadda xuquuqda aadanaha ee Yurub uu caqabad sharci ku noqday London.

Dawladdu waxay sheegtay in qorshahaan dadka lagu geynayo Rwanda uu yahay mid niyad jab ku ah kuwa dadka tahriibiya, laakiin dadka ka soo horjeeda waxay sheegeen in uu yahay mid lacag badan ku kacaya bani’aadanimadana ka baxsan.

Wasiirka arimaha gudaha ingiriiska Priti Patel ayaa sheegtay in kuwii laga reebay diyaaradda la saari doono duulimaadka xiga.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post