1092 Views

Dr Fuje: “Dalka waxaa lagu soo galaa Warqado been abuur ah oo muujinaya in qofka uu ka caafimaad qabo Covid-19”.

Dr Fuje: “Dalka waxaa lagu soo galaa Warqado been abuur ah oo muujinaya in qofka uu ka caafimaad qabo Covid-19”.
____________________________________________________________________________

Muqdisho, 2da Maarso, 2021:-Dr Maxamed Maxamuud Fuje oo ah Tala bixiyaha Caafimaadka Covid-19 ee Xukuumadda Federaalka ayaa sheegay in uu jiro shaki la xiriira dadka dibadda ka imaanaya ee wata warqadaha muujinaya in ay ka badqabaan xannuunka Covid-19.

Fuje ayaa tilmaamay in dad wata warqadahaas in ay ehelkooda markii ay la kulmeen kadib laga helay Coronavirus, halka qaarkood uu xannuun kusoo booday laga dhigay goobaha caafimaadka sidaas jirkooda looga helay Covid-19 sida uu hadalka u dhigay.

Xukuumadda ayuu ka dalbaday in ay baaris ku sameyso jiritaanka warqadaha dadkaan ay wataan si loo hubiyo ka badqabka xannuunka si aysan Ehelkooda soo dhaweynaya ugu sii gudbin haddii uu haleelay Covid-19.

“Garoonka Diyaaradaha waxaa waayihii dambe jiray tuhun la xiriira warqadaha ay wataan dadka kasoo degaya oo muddo kooban kadib xannuunka jirkooda laga helayo ama u gudbinaya ehelkooda, waa in la hubiyaa warqadaha ay wataan” Sidaasi waxaa yiri Dr Fuje.

Waa uu sii hadlay Dr Fuje waxa uuna yiri “Meelaha laga soo galayo waa in hubin caafimaad la mariyo oo la baaro, dhaqaalaha ku baxayo waa in laga qaadaa qofka, muddada xili huuriska cudurka waa in la dejiyaa hoteel gaar ah oo lagu hubiyo, halka qofka laga helo Covid-19 la geynayo goobaha u gaarka ah in bukaannada looga daweeyo”.

Ujeedka arrintaan ayuu ku tilmaamay in lagu xakameynayo dadka dibadda ka imaanaya in aysan bulshada u badan ehelkooda usii gudbin fayruska oo u baahan in hubin caafimaad lagu sameeyo sida uu hadalka u dhigay Dr Maxamed Maxamuud Fuje.

Safarrada waxaa lagu soo daray Shahaadada caafimaadka ee muujineysa in qofka wata laga baaray Covid-19 lagana waayay jirkiisa, taas oo u fududeyneysa in uusan ka baaqan socdaalkiisa danta uu u tagayo dalka hubiyo xiligaas.


Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post