621 Views

Kaalmo milateri oo gaaraysa 90 tan oo Maraykanka gaarsiiyay dalka Ukraine

Kaalmo milateri oo gaaraysa 90 tan oo Maraykanka gaarsiiyay  dalka Ukraine
____________________________________________________________________________


Axad: January 23, 2022

  Kaalmo milateri oo gaaraysa 90 tan ayaa Maraykanka waxa uu gaarsiiyay Ukraine, xilli ay meel adag marayso xiisadda dalkaas kala dhaxaysa Ruushka oo ciidamo badan geeyay xuduudda labada waddan.

Waa gargaarkii ugu horreeyay ee ay Washington intii muddo ah gaarsiiso Ukraine, waxaana kama mid ah rasaas loogu talagay “difaaca furimaha hore”.

Tallaabadan ayaa ku soo beegmaysa xilli xoghayaha arrimaha dibedda Maraykanka, Antony Blinken uu todobaadkan booqasho ku tegay Kyiv, isagoo digniin culus u diray Ruushka oo laga cabsi qabo inuu gudaha u galo Ukraine.

Xukuumadda Moscow ayaa beenisay inuu jiro qorshe ay ku weerarrayso ama ku qabsaneyso Ukraine.

Madaxweyne Biden ayaa bishii December ansixiyay kaalmo dhanka ammaanka ah oo gaaraysa 200 oo milyan oo dollar, taasoo uu dalkiisa siinayo Ukraine.

Safaaradda Maraykanka ee Kyiv ayaa sheegtay in shixnadda hubka ah ay muujinayso “sida Maraykanka ay uga go’an tahay in Ukraine ay difaacato madax bannaanideeda.”

“Maraykanku waxa uu sii wadi doonaa in kaalmo noocaan ah uu gaarsiiyo ciidamada Ukraine ee doonaya inay dalkooda ka difaacaan duulaanka Ruushka,” ayaa lagu sheegay qoraal ay Facebook soo dhigtay safaaradda.

Wasiirka gaashaandhigga Ukraine, Oleksiy Reznikov, ayaa Maraykanka uga mahadceliyay kaalmada milateri.

Kaalmada ayaa Kyiv gaartay saacado uun kamid markii wasiiradda arrimaha dibedda ee Ruushka iyo Maraykanka ay wadahadal ka yeesheen xaaladda Ukraine iyo sidii looga hortagi lahaa dagaal dhaca.

Ruushka ayaa sanadkii 2014 gobolka Crimea xoog uga qabsaday Ukraine. Tan iyo waagaas, ku dhawaad 14,000 oo qof ayaa ku dhintay dagaallo u dhexeeya ciidamada Ukraine iyo fallaago gacan ka helaya Ruushka.

Gaashaanbuurta NATO ayaa ka digtay in dagaal culus uu ka qarxi karo soohdinta Ruushka iyo Ukraine, xilli xukuumadda Moscow ay ciidan lagu qiyaasay boqol kun oo askari geysay aaggaas.

Madaxweyne Putin ayaa hordhigay dalalka Galbeedka dalabaad ku aaddan xiisadda Ukraine oo ay kamid tahay in dalkaas uusan ka biiri karin NATO.

Waxa uu doonayaa in NATO ay joojiso dhoola-tuska milateri iyo hubka ay geyso bariga Yurub oo uu u arko arrimo khatar ku ah ammaanka dalkiisa Ruushka.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post