1218 Views

Puntland oo diyaarinaysa Haamaha keydiya Oxygen-ta si lagula tacaalo COVID-19

Puntland oo diyaarinaysa Haamaha keydiya Oxygen-ta si lagula tacaalo COVID-19
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL | April 15 2020 –Xukuumadda Puntland ayaa shaacisay in ay bilowday qorshe lagu diyaarinayo Haamaha keydiya Oxygen-ta si loo helo Oxygen ku filan Puntland oo dhan oo lagula tacaalo xanuunka COVID-19.

 

Qoraal ka soo baxay guddiga Puntland u qaabilsan ka hortagga iyo wacyi-gelinta cudurka Coronavirus ayaa lagu sheegay in guddigu uu ku hawllan yahay diyaarinta Haamaha keydiya Oxygen-ta si loogu adeegsado la tacaalidda xanuunka.

 

 

 

Qoraalka ayaa sidoo kale lagu sheegay in guddigu ay shalay Gaalkacyo kulan kula yeesheen shirkadda samaysa Oxygen-ta magaalada islamarkaana ay kala hadleen muhiimadda ay leedahay in la diyaariyo Haamo Oxygen oo ku filan Puntland oo dhan.

 

Cudurka Coronavirus ayaa kamid ah xanuunnada loo yaqaan respiratory diseases oo waxyeelleeya Hab-dhiska Neefsiga waxaana dadka uu haleelo lagula tacaalaa mashiinka Respirator ( ventilator)  si uu Oxygen kaafiya u helo.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment