1386 Views

Wakiilka Yurub oo sheegtay in ay aad uga walaacsan tahay go’aanka Denmark dib u celinta Reer Suuriya

Wakiilka Yurub oo  sheegtay in ay aad uga walaacsan tahay go’aanka Denmark dib u celinta  Reer Suuriya
____________________________________________________________________________

April 28-2021

Wakiilka Yurub ee Arimaha Gudaha Ylva Johansson, ayaa sheegtay in ay aad uga walaacsan tahay go’aanka Denmark ee ah inay ruqsadaha degenaanshaha ay kala laabaneyso qaxootiga Reer Suuriya.

Maamulka Denmarka ayaa ku dhawaaqay shalay in ay  go’aansadeen dhaqan galinta sharci aan deganaanshaha loogu cusbooneysiin doonin illaa 380 qaxooti Suuriyaan ah, kuwaa oo lagu war galiyay  inay ku laabtaan dalkooda.

Hadalka Wakiilka Yurub ayaa yimid intii lagu guda jiray shir jaraa’id oo ku qabsoomay Brussels, kaa oo ku saabsanaa istiraatiijiyadda cusub ee Midowga Yurub, waxayna intaa ku dartay in Midawga Yurub, aysan Danmark ku raacsaneyn dib u celinta dadka magangalyo doonka ah ee qaxootiga ku ah waddamada yurub.

Hay’adda Amnesty International ayaa sheegtay in go’aanka Denmark ay ku musaafurisay qaar ka mid ah qaxootiga Suuriya, melo ka mid ah dalkooda ay ka hor imaaneyso qiimeyntii UNHCR ay ku sameeysay xaalada Suuriya.

UN-ka ayaa rumeysan in xaalada Suuriya aysan wali ku habooneyn dib u celinta dadka qaxootiga ah ee ka soo cararay colaadahii dalkaas la dhacay.

Dowladda Danmark ayaa horay u saxiixday heshiiska Yurub ee xuquuqda aadanaha, kaasoo mamnuucaya in la masaafuriyo dadka magangalyo doonka ah, haddii ay waddamadooda kala kulmaan khatar amni.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post