411 Views

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida oo saaka xukun toogasho ah ku fulisay saddex nin

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida oo  saaka xukun toogasho ah ku fulisay saddex nin
____________________________________________________________________________

Isniin: OCTOBER 31, 2022

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa saaka xukun toogasho ah ku fulisay saddex nin oo loo heysto qaraxyo ay ku dhinteen Dad Shacab u badan oo ka dhacay Magaalada Muqdisho 2019.

Saddexdan nin ee dilka toogahsada ah lagu fuliyey ayaa lagu kala magacaabaa Nuur Wayne, Xasan Cali Macalin Barre Boy iyo Keerow

Xasan Cali Barre Boy ayaa lagu eedeeyay in uu Gawaarida Qaraxyada lagu soo xiro uu dhigo meelaha AS u qorsheysay in ay qarxiso, waxaa si gaar ah loogu heystaa qarax ka dhacay Suuqa Kaawa-Godey Degmada Wadajir 26-11-2018kii.

Gaariga uu xiligaas dhigay Suuqa oo noociisa ahaa Fielder Caddaan ah, waxaana ku dhintay 12 ruux halka ay ku dhawaacmeen 7 kale sida uu sheegay Guddoomiyaha Maxkamadda Derajada 1aad ee Ciidamada Qalabka sida Xasan Cali Nuur Shuute.

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa todobaadkaan fulisay dilal Toogasho ah oo ay horay ugu xukuntay Rag ku eedeysan in ay geysteen Qaraxyo iyo dilal kale oo intooda badan ka dhacay Magaalada Muqdisho.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post