369 Views

Shirkadda Freedom Airlines oo diyaarad weyn oo nooceedu yahay Airbus A320 soo iibsatey

Shirkadda Freedom Airlines oo diyaarad weyn oo nooceedu yahay Airbus A320 soo iibsatey
____________________________________________________________________________

Arbaco: July 20, 2022

Shirkadda duulimaadyada ee Freedom Airlines ayaa la timid diyaarad weyn oo nooceedu yahay A320 Airbus, taas oo geli karta duulimaadyo dheer.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, oo uu weheliyo Madaxweyne Ku-xigeenka Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa maanta daah-furay Diyaarad cusub oo ay soo kordhisay Shirkadda Freedom Airlines, taasi oo Puntland ka billaabaysa duulimaadyo heer caalami ah.

Diyaaradan oo noocewdu yahay AirBus A320, isla markaana qaadi 140 ilaa 170 Rikaab ah, ayaa Puntland ka billaabaysa duulimaad toos ah waddamada shisheeye.

Madaxweynaha ayaa muujiyay muhiimada ay leedahay in la helo Diyaarad noocan ah oo dulimaad heer caalami ah Puntland ka sameynaysa.

Sidoo kale waxa uu boggaadiyey shaqada wanaagsan ee ay wadajirka u qabteen Masuuliyiinta Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada ee Puntland iyo Shirkadda Freedom Airlines.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post