1494 Views

Magaca iyo dalka uu kasoo jeedo ninkii dambeeyay toogashaddii Toronto oo la shaaciyay

Magaca iyo dalka uu kasoo jeedo ninkii dambeeyay toogashaddii Toronto oo la shaaciyay
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | July 24, 2018 – Faisal Hussain, oo 29 jir ah, ayaa ahaa ninkii mas’uulka ka ahaa weerarkii ka dhacay xaafadda Greektown ee Toronto, waxaan la sheegay inuu  ka yimid dalka Pakistaan.

Saraakiisha booliska Toronto, Hay’adda Sirdoonka ee Canada ee Ottawa, iyo sidoo kale Booliska Royal Canadian Mounted Police, ayaa la sheegay in ay dib u eegeen taariikhdiisa.

Sida laga soo xigtay ilaha warfaafinta Canada ee Global News, ayaa sheegtay in laga yaabo qoyska Hussain uu la kulmo caqabado waaweyn, maadaama uu weerar geystay wiilkooda.

Faisal Hussain walaashiis ayaa la kulantay shil baabuur, halka isaga iyo walaalkiis la dhigay isbitaal, markii ay shil baabuur galeen, waxaana ay sheegeen in wiilkaan uu qabo dhibaato maskaxeed tan iyo sannadkii 2010, sida ay xaqiijiyeen waalidiinta Hussain.

Taliyaha Booliska Toronto, Mark Saunders ayaa sheegay in gabadh da’deedu tahay 10-sano jir iyo gabadh yar oo 18-sano jir ah lagu dilay toogashadii ka dhacday xaafadda Greektown, halka ugu yaraan 13 kale ay ku dhaawacmeen.

.

W/Q:-Bashiir Barre ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment