1428 Views

Guddoonka Baarlamaanka oo ku eedeeyay xil gudasho la’aan 143 Xildhibaan

Guddoonka Baarlamaanka oo ku eedeeyay xil gudasho la’aan 143 Xildhibaan
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | May 07, 2019 –Guddoonka Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa Xil gudasho la’aan ku eedeeyay illaa 143 xildhibaan, kuwaasoo ka maqan kulamada Baarlamaanka.

 

Guddoomiye kuxigeenka 1aad ee Baarlamaanka C/weli Ibraahim Muudey ayaa sheegay in 143 Xildhibaan oo ka maqan fadhiyada Baarlamaanka ay dhammaantood ku sugan yihiin MUqdisho, isagoo xusay inay tahay arrin sharci darro ah in Xildhibaan aan fasax iyo arrimo caafimaad ku maqneyn oo Muqdisho jooga inuu ka maqnaado kulamada Baarlamaanka.

 

“Waxaan caddeynayaa in aysan meelna uga qorneen Xeer-hoosaadka iyo dastuurka in fasax la’aan Xildhibaanada iska maqnaadaan”ayuu yiri C/weli Ibraahim Muudey.

 

Sidoo kale waxaa uu sheegay in lala xisaabtami doono Xildhibaanada iska maqan ee iyagoo ku sugan Muqdisho aan soo xaadirin fadhiyada Baarlamaanka.

 

Dhinaca kale Habdhowraha Golaha Shacabka Xildhibaan Maxamed C/llaahi Nuux ayaa sheegay in Xildhibaanada ka maqan fadhiyada guud ee Baarlamaanka ay yihiin kooram buuxa oo dhan 143 Xildhibaan, maadaaka kulamada Baarlamaanka uu ku furmo 139 Xildhibaan.

 

Si kastaba ha ahaatee kulankii shalay ee Baarlamaanka ayaa u baaqday kooram la’aan, waxaana tirada soo xaadirtay oo gaarayay 132 Xildhibaan waxaa ka harsanaa oo kaliya 7 Xildhibaan, si uu kooramka u buuxsamo, kulankana u furmo, waxaana muddo saacado la sugayay 7 Xildhibaan.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment