1122 Views

SAWIRO:-Hadal-jeedinta Musharixiinta Madaxweynaha Jubbaland oo goordhow bilaabaneysa

SAWIRO:-Hadal-jeedinta Musharixiinta Madaxweynaha Jubbaland oo goordhow bilaabaneysa
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL August 20, 2019 —Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hosoe gaar ahaan Hoolka doorashada ayaa la filayaa in daqiiqadaha soo socda inay ka bilaabato hadal-jeedinta musharixiinta Madaxweynaha dowlad Goboleedka Jubbaland.

 

Xarunta waxaa haatan ku sugan Xildhibaannada Cusub ee Baarlamaanka Jubbaland iyo qaar ka mid ah musharixiinta Madaxweynaha,waxaana Xildhibaannada ay dhageysan doonaan khudbadaha musharixiinta oo soo bandhigaya waxa ay qaban doonaan hadii ay guuleystaan.

 

 

 

22-ka Bishan oo ku began Maalinta Khamiista ah ee Todobadkan ayaa la filayaa in la qabto doorashada Madaxweynaha Jubbaland oo ay u taagan yihiin musharixiin uu ka mid yahay Madaxweynaha waqtiga xilheyntiisa ay dhamaatay ee Axmed Maxamed Islaam.

 

Amaanka halka lagu qabanayo doorashada Madaxweynaah Jubabland ayaa waxaa siwadajir ah u xaqiijinaya Ciidamada booliska Jubbaland iyo kuwa AMISOM oo todobadyo ka hor lagu wareejiyay.

 

 

 

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment