945 Views

Coronavirus oo laga helay Gobolka Soomaalida ku badan tahay ee Minnesota

Coronavirus oo laga helay Gobolka Soomaalida ku badan tahay ee Minnesota
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Sabti , March 7 , 2020 —Kiiskii ugu horeeyay ee Coronavirus ayaa laga helay Gobolka Somalida ku badan tahay ee Minnesota dalka Mareykanka, sida Hawlwadeenada Caafimaadka u sheegeen Warbaahinta dalkaasi.

 

“Waxaa jira hal kiis oo la xaqiijiyay oo ah cudurka coronavirus (COVID-19) ee gobolka Minnesota” Waxaa sidaasi yiri Sarkaal ka tirsan Waaxda Caafimaadka.

 

 

 

Qofka kiiska laga helay waa  nin waayeel ah oo weyn oo deggan degmada Ramsey.

 

Bukaanka ayaa la sheegay inuu kali lagu haayo guriga uuna soo kabanayo.

 

Waaxda Caafimaadka ee Minnesota waxay sheegtay inay wali sugayaan xaqiijinta CDC-da, laakiin in “saraakiisha caafimaadka ay tixgeliyaan natiijada ka soo baxda baaritaanada.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment