1227 Views

kooxda Aston Villa oo oo ka hor istaagtay kabtanka kooxda inuu heshiis la saxiixdo kooxda Manchester City

kooxda Aston Villa oo  oo ka hor istaagtay kabtanka kooxda inuu heshiis  la saxiixdo kooxda Manchester City
____________________________________________________________________________

\Arbaco: June 30 2021

Aston Villa, ayaa rajeyneysa iney ka hor istaagto kabtanka kooxdeeda Jack Grealish, oo 25 sano jir ah, inuu heshiis cusub la saxiixdo kooxda Manchester City, kaasoo ku kacaya 150,000 pound toddobaadkii.

Kooxda Juventus ayaa quud dareyneysa ciyaar yahan Christian Ronaldo, oo 36 sano jir ah, inuu gaari doono go’aan la xiriira mustaqbalkiisa dhawaan.

Tani ayaa timid ka gadaal markii xulka qaranka kooxdiisa reer Portugal laga reebay ciyaaraha kooxaha reer Yurub ee 2020-ka ee haatan socda.

Ciyaaryahankan ku guuleystay shanta jeer abaal marinta Ballon d’Or ee la siiyo ciyaaryahanka kubadda cagta dunida sanadkiiba mar, ayaa heshiiska uu kula jooggo kooxda Juventus wuxuu dhacayaa sanadka danbe ee 2022-ka.

Kooxda Manchester United ayaa u dirtey koox soo indha indheysa ciyaaryahanka u dhashey reer France, oo ugga ciyaara daafaca kooxda Juventus, Adrien Rabiot, kaasoo 26 sano jir ah.

Ciyaaryahaknan kooxdiisa dalka Faransiiska laga reebay ciyaaraha kooxaha reer Yurub ee 2020-ka ee haatan socda, iyadoo arrintani ay ka dhacey dalka Switzerland habeenkii Isniinta ina dhaaftey.

Kooxda Juventus ayaa qeyb ka ah tartanka looggu jiro ciyaaryahanka kooxda Arsenal ugga ciyaara qadka dhexe Granit Xhaka, halka kooxda Roma iyaduna lagu soo waramayo iney dooneyso iney hesho ciyaaryahankan 28 sano jirka ah, una dhashey Switzerland, kaasoo isaga soo tagi doonna dhanka iyo kooxaha Faransiiska.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post