831 Views

Koonfur Galbeed oo sheegtay in ay dagaal ku qabatay xubin ka mid ah Al-Shabaab

Koonfur Galbeed oo sheegtay in ay dagaal ku qabatay xubin ka mid ah Al-Shabaab
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL July 20, 2019 —Ciidamada xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgal ay ka sameeyeen degaanka Owdiinle ee Gobolka Baay waxa ay ku dileen Saddex xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab sidda uu sheegay Gudoomiyaha degaankaasi ee maamulka Koonfur Galbeed.

 

Ciidanka ayaa sidoo kale sheegay in ay gacanta ku dhigeen xubin muhiim ah oo ka tirsan Al-Shabaab intii uu dagaalku Socday.

 

Howlgalkan oo dhacay Saacadihii lasoo dhaafay ayaa yimid, markii ay Ciidanka xoogga Dalka oo kaashanaya Shacabka ay ka war heleen in degaano ka mid ah halka uu dagaalku ka dhacay ay isku aruursanayaan Al-Shabaab.

 

Gudoomiyaha degaanka Owdiinle ayaa sidoo kale xusay in Ciidanka dowladda ay qabsadeen hub ay ka baxsadeen Al-Shabaab intii uu dagaalku socday.

 

Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Al-Shabaab oo ku aadan Sheegashadda Ciidanka dowlada Soomaaliya ee ah in ay dileen xubno ka mid ah Al-Shabaab.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment