945 Views

Bilyaneer u dhashay dalka Japan oo doonaya sideed qof oo ku wehlisa safar uu ugu bixi doono dayaxa

Bilyaneer u dhashay dalka Japan oo  doonaya sideed qof oo ku wehlisa safar uu ugu bixi doono dayaxa
____________________________________________________________________________

3-da Marso, 2021

Bilyaneer u dhashay dalka Japan ayaa doonaya sideed qof oo ku wehlisa safar uu ugu bixi doono dayaxa isagoo raacaya dayax gacmeedka SpaceX ee uu leeyahay maalqabeenka Elon Musk.

Yusaku Maezawa ayaa video uu soo dhigay Twitter ku sheegay inuu doonayo dad ka soo jeeda qeybaha kala duwan ee bulshada caalamka, waxaana uu soo bandhigay faahfaafinta codsiga ku aaddan arintaa.

Waxa uu tilmaamay inuu bixinayo dhammaan kharashka safarka, dadka raacana ay si bilaasha ku tegi doonaan dayaxa.

Safarka oo loogu magacdaray dearMoon ayaa lagu wadaa inuu dhulka ka ambabaxo sanadka 2023.

“Dadka codsiga gudbinaya ayaa looga baahan yahay laba shardi oo kala ah: in hawlaha ay hadda hayaan ay ugu adeegaan aadanaha intiisa kale, iyo in ay diyaar u yihiin inay taageeraan xubnaha kale ee safarka ku wehliya ee ay isku hanka yihiin,” ayuu sheegay Yusaku Maezawa.

Waxa uu intaa raaciyay inuu iibsaday dhammaan kuraaska duulimaadka, uuna ahaan doono mid dadkaas khaas u ah.

Waa kuma Yusaku Maezawa?

Maalqabeenkan u dhashay Japan ayaa inta badan dhaqaalihiisa ka sameeyay faashonka iyo ururinta walxaha farshaxanka ah.

Waxaa maalka uu haysto lagu qiyaasay laba bilyan oo dollar, oo intiisa badan uu ka helay shirka faashonka Zozotown, taasoo uu iska casilay 2019 kadib markii saamiga u badan uu ka iibiyay SoftBank.

Sanadkii hore, waxa uu billaabay barnaamij uu ku baadigoobayo gabar saaxiib la noqota oo ku wehlisa safarka, balse markii dambe ayuu joojiyay qorshahaas.

Sanadkii 2018, Maezawa ayaa la shaaciyay inuu noqonayo qofka ugu horreeya ee ku safra dayax gacmeedka Elon Musk ee SpaceX.

Qiimaha uu ka bixiyay tikidhkaas ayaan la shaaciyay, balse Musk oo wax laga weydiiyay ayaa ku tilmaamay “lacag aad u badan”.

Safarka oo la qorsheynayo inuu hirgalo 2023 ayaa noqonaya kii u horreeyay ee uu bani’aadanka ku tago dayaxa tan iyo sanadkii 1972

BBC

Xafiiska Wararka Qaranimo Online

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post