900 Views

MADAXWEYNE FARMAAJO IYO WAFDI UU HOGGAAMINAYO OO GAARAY MAGAALADA JABUUTI

MADAXWEYNE FARMAAJO IYO WAFDI UU HOGGAAMINAYO OO GAARAY MAGAALADA JABUUTI
____________________________________________________________________________

Jabuuti, Juun 14, 2020 – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ay ka mid yihiin Raiisul Wasaaraha XFS Mudane Xasan Cali Khayre, Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka FS Mudane Maxamed Mursal Sheekh, Wasiirka Arrimaha Gudaha Mudane Cabdi Maxamed Sabriye, Wasiir K/Xigeenka Dastuurka Xildhibaan Xuseen Cabdi Cilmi, Xeer Ilaaliyaha Qaranka Garyaqaan Suleymaan Maxamed iyo masuuliyiin kale ayaa si diirran loogu soo dhaweeyey Caasimadda dalka aan walaalaha nahay ee Jamhuuriyadda Jabuuti.

Waxaa wafdiga Madaxweynaha si habmaamuus sare leh ugu soo dhaweeyay Garoonka Diyaaradaha ee Jabuuti Ra’iisul Wasaaraha dalkaasi Mudane Cabdulqaadir Kaamil Maxamed iyo xubno ka tirsan Goleyaasha Jamhuuriyadda aan walaalaha nahay ee Jabuuti

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa Isla maanta halkaas kaga qeyb galaya wadahadallo walaaltinimo oo u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo walaalaheenna Soomaaliland, iyadoo gogosha wadahadalladan uu dhigay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa ka go’an in xal waara oo miro dhal ah laga gaaro tabashooyinka walaalaheenna Soomaaliland, lana xaqiijiyo mabaadi’da Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee ku dhisan talo wadaagga, is ogolaanshaha, cadaaladda, wadajirka iyo isku duubnida.

.

.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment