801 Views

Maxaad ka taqaan Dameerka xisbiga Dimoqraadiga & Maroodiga xisbiga Jamhuuriga?

Maxaad ka taqaan Dameerka xisbiga Dimoqraadiga & Maroodiga xisbiga Jamhuuriga?
____________________________________________________________________________


Muqdisho | QOL | November 06, 2020 –
Dameerka & Maroodigu waa labada Astaamood ee ugu caansan siyaasadda Mareykanka, kuwaas oo lagu kala aqoonsado labada xisbi ee ugu waaweyn Mareykanka, waa xisbiga Dimoqraadiga oo Astaantiisu tahay Dameer iyo xisbiga Jamhuuriga oo Astaantiisu tahay Maroodi!

Sida ay daabacday Shabakadda CNN sanadkii 1828 ayay ahayd markii ugu horreysay ee afka siyaasadda lagu adeegsaday laguna isticmaalay  astaanta Dameerka oo u taagan calaamad laguyaqaan looguna codeeyo xisbiga Dimoqraadiga.

Andrew Jackson madaxweynihii 7aad ee Mareykanka intii u dhexeysay 1829-1837 oo ahna asaasaha xisbiga Dimoqraadiga ayaa ololihiisa doorashada waxa uu halkudheg ka dhigtay “Shacabka u daaya Xukunka iyo go’aanka talada”

Dadkii ka soo horjeeday ayaa aad u weeraray kuna dhalleeceeyey siyaasaddiisa kudhisan in SHacabku wax xukumo oo loo arkayey in uu uga soo horjeedo hantiilayaasha, Bangiyada iyo iyo dadka dhaqaalaha badan ku leh Waddanka,  Jackson waxa ay ku sheegeen in uu yahay siyaasi wax walba isla jecel iyo xagjir siyaasadeed, waxa ayba ku tilmaameen Dameer! balse waxa uu ka helay isbarbardhigga isaga iyo xayawaanka Dameerka! sidaas awgeed Astaanta ololihiisa doorashada ayuu kadhigtay Dameerkii lagu dhalleecaynayey!

Markii uu madaxweynaha noqday kaddib ayaa mucaaradkiisu waxa ay sawir ku muujiyeen Andrew Jackson oo madax Dameer leh iyaga oo kalajeeday in uu u madax adag yahay sida Dameerka oo kale sidaas awgeedna uu xilka isku dhejin doono hayeeshee Thomas Nast oo ahaa farshaxan aad ugu taqasusay Sawirgacmeedka kana tirsanaa Wargeyska Harper’s Weekly ayaa mas’uul ka ahaa in Astaamaha xisbiyada Dimoqraadiga iyo Jamhuurigu kala noqdaan Dameer & Maroodi.

1876 Sawir-gacmeedka Nast ee loogu codeynayey xisbiga Jamhuuriyiinta,

Sanadkii 1870 ayaa markii ugu horreysay waxa Astaanta Dameerka loo aqoonsaday in ay u taagan tahay ama ay leedahay koox siyaasadeed oo ka soo horjeedda si adagna u diiddan gelidda dagaal kasta oo aan la isku raacin, sanadkii xigay ee 1871 ayaa calaamadda Maroodiga waxa loo adeegsaday sawir-gacmeed uga digaya Jamhuuriyiinta in dagaalka dhexdooda ka socda uu dhibaato u heysan doono marka la gaaro doorashooyinka soodocda!

Thomas Nast waxa uu u dhashay Jarmalka hayeeshee waa qaatay dhalashada Mareykanka, waxa loo yaqaan in uu yahay Laashinka Farshaxanka ee Mareykanka waxa uu dhashay September 27, 1840, waxa uu dhintay December 7, 1902

Thomas Nast ayaa 1874 waxa uu mar kale Wargeyska New York Herald Tribune ku baahiyey Sawir-gacmeed uu ku muujiyey Dameer & Maroodi oo uu kalajeedo Astaamaha Dimoqraadiyiinta iyo Jamhuuriga, waxa uuna ciwaan uga dhigay Digniinta iskudayga raadinta muddo-xileed 3aad! xilligaas madaxweyne Ulysses S. Grant ayaa iskudeyey in uu helo xilli-madaxeed 3aad si u xukumo Mareykanka, Thomas Nast waxa uu diiddanaa hanka madaxweyne Ulysses ee haweysiga mad saddexaad ee xilka madaxweynaha.

Farshaxan Thomas Nast ayaa sii joogteeyey dhaqankiisa ah in marka uu ka hadlayo Jamhuuriyiinta uu adeegsado Maroodi, marka uu wax ka qorayo Dimoqraadiyiintana uu isticmaalo Dameer ilaa Farshaxanadii kalana ay raacaan oo astaamahaas u adeegsadaan labadaas kooxood.

Gobolada Buluugga & Gobolada guduudka

Sawirka ABC

Gobolada taageera xisbiga Dimoqraadiga oo Dameerku astaan u yahay waxa loo yaqaan Gobolada Buluugga ( Blue states) halka gobolada taageera ama uu ku guuleysta xisbiga Jamhuuriga oo Maroodigu u yahay astaan loo yaqaan gobolada guduudka ama casaanka (Red states)

WQ: Axmed Ciise Guutaale

Dersa SHarciga, Qaanuunka & Warbaahint


Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post