1806 Views

Gudoonka Golaha Shacabka Oo Beeniyey Qoraal Laga Faafiyey Gudoomiye Jawaari

Gudoonka Golaha Shacabka Oo Beeniyey Qoraal Laga Faafiyey Gudoomiye Jawaari
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | March 27, 2018—War qoraal ah oo Maanta ka soo baxay Xafiiska Gudoonka golaha Shacabka Soomaaliya ayaa lagu beeniyey war qoraal ah oo kan ka horeeyey kaas oo lagu sheegayay in gudoomiye Jawaari uu u diray Beesha Caalamka.

Xogheyaha Golaha Shacabka Cabdi Kariin Buux,oo Maanta soo saaray qoraalka uu ku beeninayay wararka lagu faafiyey Baraha Bulshada ee sheegayay in Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya uu warqad u diray Beesha Caalamka ayaa sheegay in warkaas uu yahay mid been abuur ah oo an waxba ka jirin waxa uuna ugu baaqay dadka Soomaaliyeed in ay ka digtoonaadaan.

Saacadihii la soo dhaafay ayaa waxaa la hadal hayay warqada Baraha Bulshada lagu faafiyey taas oo uu ku qornaa Magaca Jawaari,isal markaana ku socota Beesha Caalamka.

Arrintaan ayaa ku soo aadeysa xili uu sii xoogeysanayo khilaafka xukuumadda iyo Golaha Shacabka taas oo saameyn ku yeeshay Shaqadii dowladda.

Hoos ka Akhriso Warqada uu soo saaray  Xogheyaha Golaha Shacabka Cabdi Kariin Buux.

00000111

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment