1089 Views

Duqa Muqdisho oo qaabilay Mas’uuliyiin ka socda WFP

Duqa Muqdisho oo qaabilay Mas’uuliyiin ka socda WFP
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | September- 28-2019 —Xarunta aqalka Dowlada Hoose Xamar ayuu ka Dhacay Kulan u Dhaxeeyay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamud Maxamed ( Cumar Filish) iyo Madaxa Hey’adda QM u Qaabilsan Cunada aduunka ee WFP Qeybteeda Soomaaliya Mr. Cesar Arroyo kulankaas oo ujeedkiisu ahaa sidii WFP iyo maamulka gobolka Banaadir ay isaga kaashan lahaayeen barnaamijyada lagu taageeraayo arimaha laxariira wax soo saarka dalka iyo shaqa abuurka.

 

Kulankani ayaa sidoo kale waxaa looga hadlay sidii xalwaaro looga gaari lahaa arimaha barakacayaasha iyo sidii taageera dhab ah loogu sameyn lahaa qoysaska danta ee ku dhaqan magaalada Muqdisho, guddoomiyaha gobolka Banaadir mudane Cumar Filish iyo madaxda WFP ayaa waxyaabihii ay kawada hadleyn waxaa kamid ahaa in la fuliyo mashriic lagu garab istaagaayo wax soo saarka beeraha iyo qeyraadka bada.

 

 

 

Kulanka kadib ayaa waxaa warbaahinta hadlay madaxa hey’adda QM u qaabilsan cunada aduunka ee WFP qeybteeda Soomaaliya Mr. Cesar Arroyo.

 

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamud Maxamed ( Cumar Filish) waxa uu ka hadlay wax yaabihii ay isla meel dhigeen hogaanka WFP.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment