606 Views

Saldhigyo ay ku sugan yihiin Ciidamo Kenyan ah oo la weeraray

Saldhigyo ay ku sugan yihiin Ciidamo Kenyan ah oo la weeraray
____________________________________________________________________________

Muqdisho, 1da Maarso, 2021:Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab ayaa waxaa la sheegay in ay weerareen Saldhigyada  Ciidamada Kenya oo ka tirsan AMISOM ku leeyihiin degaannada Kudhaa iyo Cabdalla Biroole ee Gobolka Jubbada hoose.

Dagaal geystay khasaaro kala duwan ayaa waxaa la sheegay in uu degaannadaas uu ku dhex-maray Ciidamada Kenya iyo Ururka Al-Shabaab, waxaana dagaalkaas laga helayaa faah faahino kala duwan.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen inay maqlayeen dhawaqa rasaasta ay isku adeegsanayeen labada dhinac, sidoo kale ay jireen tiro madaafiic ah oo ay is weeydaarsadeen dhinacyada dagaalamay, balse aan la sheegin khasaaro dadka Rayidka ah kasoo gaaray dagaalka.

Wararkii ugu dambeeyay ee aan ka heleyno degaannada Kudhaa iyo Cabdalla Biroole ee Gobolka Jubbada hoose ayaa waxaa ay sheegayaan in dhaq dhaqaaqyo Ciidan iyo howlgallo ay halkaasi ka wadaan Ciidamada Kenya.

Inta badan degaano iyo degmooyin ka tirsan Gobolka Jubbada Hoose waxaa ka dhaca dagaalo u dhaxeeya Ciidamada Maamulka Jubbaland & kuwa Kenya oo dhinac ah iyo Al-Shabaab, kadib markii ay Al-Shabaab weeraraan Saldhigyada Ciidamada


Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post